U bood dhigaalka

Agaasimaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka oo dhagax dhigay xarunta cusub ee hay’adda ku yeelaneyso Hirshabeelle

Sheeko:Amniga

Gudoomiyaha hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle oo ay whliyaan Wasiir ku xigeenka Gar-gaarka Hirshabelle Xasan Yusuf, Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Hirshabelle iyo Maamulka Magaalada Jowhar ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Xarunta Gurmadka deg degga ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Gudoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in ay dhawaan dhisi doonaan Xarunta Gurmadka deg degga taas oo baahi wayn looga qabo deegaannada Hirshabelle .

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Hirshabelle oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhigga xarunta ayaa sheegay in baahi wayn loo qabay dhismaha xarunta taas oo uu oga mahadceliyay Hay’adda maaraynta musiibooyinka.

Ugu danbayn Gudoomiye Maxamuud Macallin ayaa u mahadceliyay wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gar-gaarka, Wasiirka hawlaha guud iyo Maamulka gobolka Shabellaha dhexe sida wanaagsan oo ay hay’adda u soo dhaweeyeen uguna deeqeen dhul laga dhiso Xarun loogu adeego shacabka Hirshabelle.