U bood dhigaalka

Agaasimaha ICT ee Wasaaradda Qurbajoogta iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Mowlid Daqaf ayaa Qalab Gaarsiiyay Garoonka Degmada Guriceel.

Sheeko:Amniga

Agaasimaha ICT ee Wasaaradda Qurbajoogta iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Mowlid Daqaf ayaa Qalab Gaarsiiyay Garoonka Degmada Guriceel.

Agaasimaha Waaxda ICT Mudane Mowlid Daqaf ayaa gaarsiiyay Qalab Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Guriceel,Agabkaas ayaa ka koobnaa Comutiro iyo Printiro.

Agaasimaha ayaa waxaa u soo wakiishay Qurba Joogta ka soo jeeda Demada Guriceel, Agaasimaha ayaa Kula dardaarmay Shaqaalaha garoonka Demada Guriceel in ay Ilaaliyaan Qalabka la keenay maanta.

Agaasimaha waxaa kala wareegay Qalabka Maamulka Degmada Guriceel uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Degmada Guriceel Mudane Anas Abdi Moalim.

Gudoomiyaha Demada Guriceel mudane anas ayaa u mahadceliyay Quba joogta iyo Agaasimaha Waaxda ICT ee Wasaaradda Qurbajoogta iyo Dhiirigelinta Maalgashiga kuna dhiira galiyay in Qurba joogta ay maal gashtaan Dalkoda.

Goobjoog News