U bood dhigaalka

Agaasimaha Idaacadda Goobjoog Oo Ka Hadlay Waxqabadka Idaacadda

Sheeko:Dalka

Agaasimaha Idaacadda Goobjoog Xasan Maxamuud Maxamed ayaa goor dhaw waxa uu jeediyay khudbad dhinacyo badan taabaneysaya islamarkaana looga hadlayey waxqabadka Goobjoog iyo hiigsiga Idaacadda.

Agaasimaha ayaa sheegay in Goobjoog sanadkii tagay ay qabatay arrimo badan oo ka mid ah waxbarashada, Gurmadka abaaraha, garab istaagga dhallinyarada Ubaxa caasimadda ee dhirta ku beermaya waddooyinka Muqdisho.

Wararka Goobjoog ay siideysay ayuu sheegay in waxa ugu horreysay ahayd wararkii degdega ahaa, tabinta wararkii ugu horreeyay dhallinyaro ku dhammaatay badda u dhaxeysa Yurub iyo Masar, dhiirigelinta Ciyaaraha.

Waxyaabaha u qorsheysan sanadkaan Goobjoog waxa uu agaasime Xasan ku sheegay inay ka mid tahay sameynta Idaacad Ganacsi oo Goobjoog ah bulshadana u adeegta, hawo soo gelinta sanadkaan ee Tv-ga Goobjoogo arrimo kale oo muhiim ah.

Munaasabadda waa ay socotaa weli, waxaana hadli doona madaxda Munaasabadda ka qebgalaysa.

Goobjoog News