U bood dhigaalka

Agaasimaha Machadka Heritage Cabdirashiid Khaliif Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Xalka Saameynta Xiisadda Khaliijka Ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Agaasimaha Heritage Cabdirashiid Khaliif oo ka hadlayey Khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in Soomaaliya lagu heysto maxaa dhexdhexaad uga noqotay khilaafka wadamada Khaliijka.

Waxaa uu intaas ku daray in Soomaaliya ay tahay dal hadda burbur ka soo kabanaya ayna doonayaan dalalka isbaacsanaya in ay kala jiitaan dalka waxaa uuna yiri “Maadaama waddan burburay aan nahnay haddana soo kabanaya dalalka isbaacsanaya dano waaweyn ay ka leeyihiin Soomaaliya iyo sidii ay nook ala jiidan lahaayeen arrinkaana waa hir annaga nagu dhacaayo”.

Waxaa uu intaas ku daray in khilaafka Khaliijka ay wadammo badan ay ka qaateen siyaasad dhexdhexaad ah kuwaas oo ka mid ah dowladaha Suudaan, Itoobiya sidaas ayna tahanna aan faro-gelin lagu heynin balse Soomaaliya loo arkay in ay tahay daciif.

“ Wadamada Suudaan iyo Itoobiya go’aanka ay ka qaateen Khaliijka waxaa uu ahaa mid dhexdhexaad ah, balse annaga maadaama dowlad aan micno laheyn iyo dal aan micno laheyn aan nahnay waxaa imaaneysa ciddii noo baahata in ay sidey rabto naga yeesho.

Goobjoog News