U bood dhigaalka

Agaasimaha NISA oo Xilka Lagu Wareejiyay

Sheeko:Amniga

Agaasimaha cusub ee hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Mahad Maxamed Salaad ayaa galabta si rasmi ah ula wareegay xilka hey’adda, kadib munaasabadda kooban oo ka dhacay xarunta hey’adda degan tahay , iyadoo  goobjoog ka ahaa Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Maxamed Xuseen Rooble.

Agaasimaha cusub ee hey’adda ayaa xilka waxaa uu kala wareegay agaasimihii hore Yaasiin Maxamuud Cabdullaahi Fareey , kaas oo uu horay u magacaabay Farmaajo, waxaana uu xilka ka degay isaga oo aan wali xilka loo dhaarin una haayey si KMG ah, kadib markii Rooble uu xilkaas ka Eryay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Agaasimaha cusub ee hey’adda hey’adda NISA ayaa waxaa dhowaan xilkaan u magacaabay madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana hoggaankii hore ee hey’adda dul hoganaya dacwad ku aadan  dilkii Marxuumad Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd hey’adda.

Goobjoog News