U bood dhigaalka

Agaasimaha Wasaaradda Haweenka Oo Xalay Lagala Baxay Hoyga Uu Ka Deganyahay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

muqdisho-1Maxamed Cumar Nuur oo ah agaasimaha Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuql Insaanka Dowladda Federaalka ayaa habeenkii xalay ahaa lagala baxay hoygiisa oo ku yaala degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho

Xubno ka tirsan Wasaaradda Haweenka, ayaa u xaqiijiyay Goobjoog, in xalay lagala baxay gurigiisa Xilli dadka intiisa badan ay hurdeen.

Waxay ehlada intaasi ku dareen in hoyga ay yimaadeen ciidamo ka dibna ay halkaasi agaasimaha kala baxeen.

Wararku waxa ay sheegayaan in wasaaraddu ay wado baaritan la xirira xog ka helista halka lala aaday agaasime Maxamed Cumar.

Warkaan Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News