U bood dhigaalka

Agaasime Cumar Guure “Way Mahadsanyihiin Madaxda Iyo Bulshada Reer Gaalkacyo”

Sheeko:Cayaaraha

Maamulka Degmada Gaalackyo iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa kulan soo dhaweyn ah magaalada Gaalkacyo ugu sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda dhalinyarada iyo Cayaaraha Galmudug mudane Cumar Guure oo mudo ka badan bil caasimada Muqdisho u joogay howlo shaqo,isagoo gacanta ku hayay qorshaha horomarinta iyo guulaha ay kooxda Galmudug ka gaartay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

Kulanka ay soo qaybgaleen Wasiiro ka tirsan Galmudug, Duqada Degmada Galkacyo, Iskuduwayaasha Gobolka, Ururada Dhallinyarada, Ururada Haweenka iyo Bulsho qeybaheeda kala duwan ayaa amaanay kaalintii uu Agaasimaha Cumar kulahaa guusha ay Galmudug ka gaartay tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,waxayna intaa ku dareyn in la rabo sii wado howshan.

“Waan u mahadcelinaynaa Maamulka,Ururada Dhallinyarada iyo bulshada qeybaheeda kala duwan sida wanaagsan ay soo dhaweeyeen,waan ka filaaliyay bulshada reer Gaalkacyo intaas iyo ka badan” ayuu sheegay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda dhalinyarada iyo Cayaaraha Galmudug mudane Cumar Guure.

Masuuliyiinta Goobta ka hadashay ayaa amaanay Dowrka Firfircoon ee Wasaaradu Ciyaaraha Galmudug ka ciyaartay Guulihi laga gaaray Tartankii kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020, waxayna hoosta ka xariiqeen sida ay diyaarka ugu yihiin in Qofkasta oo ka mid ah kooxda Galmudug ay u soo dhaweeyaan si maqaamkeedu sareeyo.

“Mahadsanid mudane Agaasime adiga Wasaarada Ciyaaraha,Xiriirka Kubbadda Cagta Galmudug sharaftii aad u soo hooyseen Galmudug,hadii aanu nahay Maamulka Gaalackyo waxaan diyaar u nahay weyneynta taariikhdii aad noo samayseen,waxaan dhiirigelinaynaa in la sii wado howlaha horomarineyd” ayuu sheegay Cabdirahman Sheekh Xasan Jimcaale oo ah duqa degmada Gaalkacyo

Sidoo Kale Aqriso Warar Ku Saabsan Galmudug

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/agaasime-cumar-waan-bogaadinayaa-dadaalka-xiriirka-kubbadda-cagta-galmudug/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle