U bood dhigaalka

Agaasime Talefishan Oo Lagu Xirey Hargeysa

Sheeko:Dalka

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa ay xabsiga u taxaabeen agaasimahii Talefeshinka madaxa banaan Star Tv ee magaalada Hargeysa.

Ciidamo Booliis ah ayaa la sheegay in ay qabteen Agaasime Maxamed Baashi Xaaji Xasan, xilli uu kasoo baxay xaflad ka dhaceysay mid kamid ah Hoteellada ku yaalla magaalada Hargeysa.

Saraakiil u hadashay Booliiska Somaliland ayaa sheegay in saxaafadda dib looga sheegi doono waxyaabaha lagu haysto agaasimaha, islamarkaana ammarka lagu xiray uu ka yimid madax sare oo Somaliland ah.

Warar madax banaan ayaa waxay sheegayaan in agaasimaha lagu haysto arrimo ku aadan ka hadalka heshiiskii Imaaraadka iyo Somaliland iyo qabashada kulan la sheegay inuusan maamulka ka war hayn.

Waa mas’uulkii Labaad ee warbaahin oo 24-saac gudheed ay xiraan ciidamada Somaliland, iyadoo weli la ogyahay in xabsi uu ugu jiro maamulkaasi wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon.

Maamulka Somaliland ayaa muddooyinkaan dambe caadeystay xarigga Suxufiyiinta, waxaana lagu eedeeyaa inuu ku jiro maamulkaasi maamullada ugu xadgudubka badan ee dhanka saxaafadda Soomaaliya.

Goobjoog News