U bood dhigaalka

Ahlu-sunna: Beesha Caalamka Ayaa Ka Shaqeysay Heshiika 20-ka Xildhibaan

Sheeko:Amniga

Kooxda suufiyada ah ee Ahlu sunna ayaa qoraal ay ka soo saartay arrimaha heshiiska ay dowladda federaalka ah ee 20-ka xildhibaan ku sheegtay in isu soo dhowaanshiyaha ay ka dambeeyeen beesha caalamka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxa xukuumadda Maxamed Shaakir ayaa lagu sheegay in go’aankan ay kooxda u qaadatay iyada oo ilaalineysa maslaxadda iyo danaha Galmudug.

Waxaa kale oo qoraalka loogu mahadceliyey sida ay dowladda federaalka ah dadaal ugu bixineyso dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska Galmudug oo mid ah.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kooxda Ahlu sunna kula heshiisay in golaha wakiilada laga siiyo ilaa 20 xildhibaan.

Dhanka kale, guddiga doorashada Galmudug ayaa ku guuldareystay jadwalka iyada oo todobaadkan ay aheyd in ay socoto xulista xildhibaannada si ugu dambeyn ay doorashada madaxtinimada u dhacdo 23-ka bishan.

Goobjoog News