U bood dhigaalka

Ahlu-sunna “Dowladda Ayaa Leh Gardarrada Dagaalka Bangeelle”

Sheeko:Dalka

Saraakiisha Ahlu-sunna Waljameeca ee ku sugan gobalka Galgaduud ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay lahayd weerarka dagaal shalay ka dhacay deegaanka Bangeelle ee gobalka Galgaduud, xilli ciidamada Ahlu-sunna ay halkaasi la wareegeen.

Cabdullaahi Xasan Diirshe oo ka mid ah mas’uuliyiinta Ahlu-sunna Waljameeca ee gobalka Galgaduud, ayaa isaga oo u waramay Goobjoog News waxa uu sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid la doonayay in lagu dhameeyo shacab aan waxba galabsan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Dowladda Federaalka ayuu ku eedeeyay in ay soo abaabushay Maleeshiyaad uu sheegay in loogu tala galay amni darro in ay ka abuuraan deegaanada gobalka Galgaduud.

“Dowladda Federaalka oo ku fashilantay shirkii magaalada Cadaado ayaa mas’uul ka ah weerarkaasi, waxaana ay soo abaabushay maleeshiyaad, shacab badanna waa lagu laayay deegaanka” ayuu yiri Diirshe.

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ahlu-sunna ayaa shalay ka dhacay deegaanka Bangeelle ee gobalka Galgaduud, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News