U bood dhigaalka

Ahlu-sunna: Looma Dhama Shirkii Madasha Ee Muqdisho Kusoo Dhammaaday

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ayaa kasoo horjeestay shirkii mashada wadatashiga qaran ee shalay ugu soo gabagaboobay magaalada Muqdisho, kaasi oo laga soo saaray nidaamka doorasho ee dalka.

Cali Baashi Faarax Cali oo ah madaxweyne ku xigeenka maamul ay sameysteen Ahlu-sunna Waljameeca oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in shirkaasi uu ahaa mid aan loo dhameyn islamarkaana ay isugu yimaadeen dad uu sheegay in ay ku fashilmeen hogaanka dalka.

Waxa uu sheegay in ka maamul ahaan in aan lagu soo wargelin shirkaasi, islamarkaana iyaguna aysan aqbaleyn wax walbo oo shirkaasi kasoo baxay.

“Xiriir nalama aysan soo sameyn, kaliya annaga ma nihin ee maamullo kale ayaa jira sidaan oo kale aan lala soo hadlin, taladan inyar bay ku kooban tahay, ma eegayaan baahida dadka Soomaaliyeed aragti ka tarjumeyso, inta meesha ku shirtay waxa ay soo saareen ma ahan aragti u cuntami karta shacabka Soomaaliyeed” ayuu yir Cali Baashi.

Magaalada Muqdisho waxaa shalay lagu soo gabagabeeyay shirka madasha wadatashiga qaranka kaasi oo looga hadlayey arrimaha doorasho ee dalka.

Goobjoog News