U bood dhigaalka

Ahlu Sunna oo Ku Gorgortamaysa Awoodaha u Kordhay

Bilo ka hor Ahlu Sunna Wal Jamaaca ma aysan lahayn miisaan badan oo siyaasadeed, awoodeedana waxa ay ku koobneyd in ay tahay mid ka mid ah saxiixayaasha qorshaha maamul u sameynta gobolada dhexe.

Laakiin markii 7-dii bisha ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada Dhuusamareeb, Ahlu Sunna ma aysan la daahin in ay muujiso murqaheeda siyaasadeed, waxayna durba saameyntii ugu weyneyd ku yeesheen shirka Cadaado oo hadda aanan la hubin mustaqbalkiisa.

Gudoomiyaha 3-da gole ee Ahlu-suna Sheekh Ibraahim Gurey ayaa isagoo Cadaado ku sugan

oo wareysi gaar ah Siiyay Goobjoog News ayaa ka hadlay arimo badan oo marka la falanqeeyo ku tusinaya mar in uu awood leeyahay, mar in uu gor gortan doonayo, taasi oo ah wax nagu cusub oo aanan horey looga baran ninkani odayga ah oo hadal qaboow lagu ogaa.

Mar la weydiiyay go’aankii wasaaradda arimaha gudaha iyo Federaalka kadib qabashadii Ahlu-sunna ee Dhuusamareeb waxaa uu ku jawaabay “Wasiirka arrimaha gudaha waa wiil yar oo cusub oo hadda la keeney, marna aniga waxbo oga jawaabi maayo” , dowladda Soomaaliya ma aqoonsan tihiin ayaa sidoo kale la weydiiyay “Dowladaasi nama matasho, tii aan soo dhisanay ee Soomaalinimo iyo hankie aan u dhiseyna ma lahan, dowlad aan aqoonsanahay oo Soomaaliya ka dhaxeyso ma jirto” ayuu ku jawaabay.

Kuwani waa jawaabo aanan looga baran hoggaamiyaha Ahlu Sunna, halkaasna hadalka kuma ekeynine waxa uu sheegey in Ahlu Sunna ay shir qabanayso, islamarkaasina soo dhiseyso maamul loo dhanyahay, isaga oo intaasi ku daray in waxa kasoo baxa shirka Cadaado aysan aqbali doonin.

Waxaa laga yaabaa in markii hore hadalkiisa aanan sidaasi loosii dhageysan jirin, laakiin hadalkiisan cusub waa mid durba ka shanqariyey dawanada Villa Soomaaliya oo ah halka laga wareejinayo isteerinka shirka maamulka gobolada dhexe.

Xusuuso Dhuusamareeb waxa ay ahayd halkii madaxweynaha uu digreeto kusoo saaray in ay noqoneyso caasimadda maamulka gobolada dhexe , iyada oo taasi ay ku timid gorgortan siyaasadeed oo adag.

Balse hadda qabsashada Ahlu Sunna ee Dhuusamareeb waxa ay badali kartaa wax kasta oo horey inta loogu gorgortamay la’isla gaaray, waxaana meesha ka baxaya odoroskii ahaa in musharixiinta qaar ay guuleysan karaan.

Ahlu Sunna ka sokoow waxaa shaashka giirka kacsaday beelo markii horaba cabasho qabay oo si qasab ah loogu habay wax aysan ku qanacsaneyn, hadda waxaa lagu qasbanyahay in la dhegeysto.

Waxyaabaha labada dhinac, Ahlu Sunna iyo Dowladda, ay isku eedeynayaan ka mid ah in mid kasta uu dhiniciisa jabiyey heshiiskii 4-tii Maarso ku dhexmaray magaalada Guri Ceel kadib dagaalo dhiig badan ku daatay.

Xaqiiqda waxa ay tahay in cid kasta oo awood ciidan is bideysa ama meel ka talisa ay iyadu yeerineyso qodobada lagu heshiinayo marka la gorgortamayo siyaasadda Soomaaliya, una badantahay in ay sad bursato, halka kuwa taagta daran ee aan hubeysneyd iyagu markasta ay yihiin kuwa “hambada” lagu sooro.

Goobjoog News