U bood dhigaalka

Ahlu-sunna Oo Beenisay In Ay Duulaan Ku Tahay Galmudug

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobolka Galgaduud ayaa beeniyey wararka sheegayey in dhaq dhaqaaqyo ciidan kana dhan ah Galmudug ay ka wadaan deegaanno ka mid ah gobolkaasi.

Cabdullaahi Xirsi Diirshe oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka ay sameysteen Ahlu-sunna ee gobolada dhexe ayaa sheegay inaysan ka war hayn dhaq dhaqaaqyo ciidan oo dhankooda ka socda.

Waxa uu tilmaamay in kaliya ay maqleen in dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka jiraan degmada Cadaado oo la doonayo in colaad hor leh lagu soo abuuro.

“Anagu ma ogin, kama warhayno abaabul ciidan oo socda oo aan annagu wadno, ciddii la socotaa abaabulkaasi ayaa munaasab ah in la weydiiyo, waxbaa laga sheegayey dhinaca Cadaado, kooxda halkaasi joogta in ay abaabul wadaan oo halkaasi xaalad ka abuurayaan” ayuu yiri Mr Xirsi.

Maalmahan dambe waxaa soo baxayey in ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca iyo kuwa Galmudug ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka kala wadaan deegaanno ka mid ah gobolka Galgaduud.

Ahlu-sunna, gaar ahaan xubnaha ku sugan degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ma aqoonsana maamulka Galmudug.

Goobjoog News