U bood dhigaalka

Ahlu-sunna Oo Beenisay In Wada Hadal Ay Kula Jirto Galmudug

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud ayaa waxba kama jiraan ku sheegay warar dhawaan kasoo baxay madaxda maamulka Galmudug oo ahaa in wada hadal uu u socdo Labada dhinac.

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo Ahlu-sunnada Dhuusamareeb iyo Guriceel u doorteen madaxweyne ayaa mar uu la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in aanay waxba ka jirin wada hadal ay kula jiraan Galmudug ama cid kale oo ay aragti ahaan is khilaafsanaayeen.

Waxa uu sheegay in aysan jirin cid u tagtay Ahlu-sunna Waljameeca oo kala hadashay heshiis lala galo dowladda Federaalka ama maamulka Galmudug waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaan cadeyneynaa inaysan jirin wax noo yimid oo na yiri ha idinla heshiiyo oo dowladda Federaalka ama cid kale Soomaali iyo ajaaniibba ha ahaatee” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo Khamiistii lasoo dhaafay la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in wada hadal ay kula jireen maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee degmada Dhuusamareeb uu carqalad ka dhex billaabay gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo halkaasi booqasho ku tagay.

Goobjoog News