U bood dhigaalka

Ahlu-sunna Oo Dowladda Ku Eedeysay In Hub Iyo Ciidan Ay Ku Daabuleyso Galgaduud

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobalka Galgaduud ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in degmada Cadaado ay kusoo daabuleyso hub iyo ciidan fara badan oo ay sheegeen in uljeeddo gaar ah laga leeyahay.

Mas’uuliyiin u hadashay Ahlu-sunna oo maanta saxaafadda kula hadlay degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dowladda ay gobalka ka abaabulayso dagaallo sokeeye, waxaana ay ku baaqeen in laga feejignaado colaad ka bilaabata Galgaduud.

Xasan Gaboobe oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Ahlu-sunna ee saxaafadda la hadashay ayaa hoosta ka xariiqay in si aad ah ay ula socdaan ciidamo badan oo dhawaan la geeyay degmada Cadaado iyo sidoo kale diyaarado hub sida oo halkaasi ka degeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Shacabka ku dhaqan degmada Cadaado ayuu ugu baaqay in ay ka feejignaadaan dagaallo laga soo abaabulo degmadooda, sidoo kalena loo baahan yahay in ay la shaqeeyaan maamulka Ahlu-sunna ay dhawaan sameysatay.

Ahlu-sunna Waljameeca ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay sidaan oo kale dowladda Federaalka ugu eedeeyeen in ay abaabul dagaal ka wado gobalka Galgaduud, xilli maamulkaasi uu sheegay in aanu aqoonsaneen maamulka Galmudug.

Goobjoog News