U bood dhigaalka

Ahlu-sunna Oo Dowladda Ku Eedeysay In ay Hubeysay Galmudug

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobalada Dhexe ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay in hub iyo gaadiid dagaal ay soo siiyeen maamulka Galmudug, iyaga oo sheegay in looga qeybqaatay dagaalkii shalay ka dhacay degmada Caabudwaaq.

Gudoomiye ku xigeenka maamul dhawaan ay ku dhawaaqeen Ahlu-sunna Cali Baashi Faarax Cali oo warbaahinta kula hadlay degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dowladda ay mas’uul ka noqon doonto wax walba oo ka dhaca degmada Caabudwaaq.

“Gaadiidka dagaalka ku jira waa kii Nabad sugidda qaranka ee Cadaado dhawaan la keenay, hubka lagu dagaallamayo waa kii dowladda, iyada ayaana dagaalka dhinac uga jirta” ayuu yiri Cali Baashi.

Dhinaca kale mas’uulkaan ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo sidoo kale dalalka taageera dowladda Federaalka, in ay il gaar ah ku hayaan hub uu sheegay in dowladda ay geynayso gobalka Galgaduud.

Dagaal shalay ka dhacay degmada Caabudwaaq, una dhaxeeyay Ahlu-sunna iyo Galmudug ayaa waxaa gacanta ku haynta degmadaasi kula wareegay ciidamada Galmudug, iyadoo dagaalkaasi uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News