U bood dhigaalka

Ahlu-Sunna Oo Isaga Baxday Matabaan

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo degmada Matabaan ee kala qeybisa gobalada Hiiran iyo galgaduud ayaa sheegaya in maanta ay isaga baxeen ciidamada Ahlu sunna oo muddooyinkii u dambeyay ay ku sugnaayeen.

Ciidamada Ahlu-sunna ayaa todobadyo ka hor la wareegay degmada Matabaan iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobalka Galgaduud.

Saaka ayaa la sheegay in ciidamada iyo gaadiidkoodaba ay isaga baxeen degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan.

Illa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in ay isaga baxaan ciidamada Ahlu-sunna degmada.

Goobjoog News