U bood dhigaalka

Ahlu-sunna Oo Ku Baaqday In Laga Dhabeeyo Fulinta Heshiiska Cadaado

Sheeko:Dalka

Gudoomiyaha Golaha Talada Ahlu-sunna Waljameeca Sheekh Cumar Sheekh Cabdiqaadir ayaa soo jeediyay in laga dhabeeyo Fulinta heshiiskii shalay lagu gaaray magaalada Cadaado.

Waxa uu sheegay in xilligaan ay tahay waqtigii la midoobi lahaa, lagana hortagi lahaa wax walba oo u muuqda in ay caqabad ku yihiin hanaanka geeddi socodka Nabadda.

Maamulka Galmudug ayuu ugu baaqay in aysan noqon kuwo ka baxa heshiiska, islamarkaana ku fuliyaan heshiiskaasi waqtigii loo ballamay.

“Waa in laga dhabeeya Fulinta heshiiskaan, waana in Galmudug aysan noqon mid dib uga baxda ama fulin weysa heshiiska aynu la galnay, anaga dhankeena diyaar baan u nahay inaan fulinno, midda kale waxaa muhiim ah in loo soo wada jeesto sidii loogu midoobi lahaa cadowga” ayuu yiri gudoomiyaha.

Degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud waxaa shalay heshiis ku kala saxiixday Ahlu Sunna Waljameeca iyo maamulka Galmudug State.

Goobjoog News