U bood dhigaalka

Ahlu-sunna Oo Sheegtay In Maamul Ay u Sameynayso Shacabka Degmada Caabudwaaq

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobalka Galgaduud ayaa sheegay in ay maamul u sameyn doonaan degmada Caabduwaaq oo shalay dagaal ay ku qabsadeen.

Sarkaal lagu magacaabo Xasan Maxamuud Warsame, oo ka tirsan Maamulka Ahlusunna Waljamaaca ayaa sheegay in degmada Caabudwaaq ee gobolkaasi ay ka dhaqan gelin doonaan maamul ay iyaga wataan, shacabkana ku qanacsan yihiin.

Waxa uu tilmaamay in Magaaladda Caabudwaaq ay iminka gacanta ku hayaan ciidamada Ahlu-sunna oo uu sheegay inay ka shaqaynayaan horumarinta iyo amniga magaaladasi .

“Caabudwaaq waxaan u dhisaynaa maamul ay dadka raali ka yihiin, waxaana ay ka mid ahayd meelaha aynu gacanta ku hayno, anaga ka maamul ahaan waxaan xaqiijin donnaa amniga iyo horumarka deegaan walba oo na hoos yimaada” ayuu yiri Warsame.

Ahlu-sunna Waljameeca ayaa shalay si rasmi ah dagaal ugu qabsatay degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud, xilli ay sheegeen in ay dhisteen maamul gobaleed.

Goobjoog News