U bood dhigaalka

Ahlu-sunna Oo Su’aalo Weydiineysa Shacabka Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Ciidamada Ahlu-sunna ee shalay la wareegay degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud ayaa lagu soo waramayaa in saaka ay xaafadaha degmadaasi ka bilaabeen howlgal baaritaan ah.

Ciidamadaan ayaa dadka qaar ee magaalada weydiinaya su’aalo, waxaana la sheegay in dadka ay kala weydiinayaan in degmada uu deegaan ku yahay ama qof halkaasi ku cusub.

Sidoo kale waxa ay ciidankaan baarayaan guud ahaan gaadiidka isticmaalaya degmada Dhuusamareeb, waxaana magaalada oo dhan buux dhaafiyay ciidan iyo gaadiid dagaal.

Dhinaca kale xaaladda guud ee degmada waa mid degan, iyadoo meelaha qaar ay si caadi ah u shaqeynayaan adeegyadii bulshada.

Ciidamada Ahlu-sunna ayaa gelinkii hore ee shalay waxa ay ciidanka dowladda kala wareegeen degmada Dhuusamareeb, waxaana dhacay dagaal kooban.

Goobjoog News