U bood dhigaalka

Ahlu-sunna Oo u Digtay DFS (Dhageyso)

Sheeko:Amniga

Saraakiil ka tirsan ciidankii Ahlu-sunna ee horey loogu biiriyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in looga baahan yahay dowladda dhexe fulinta heshiisyadii ay la gashay Ahlu-sunna.

Qaarkood oo warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in waxa loo baahan yahay tahay in dowladda aanay ballanta ka bixin, haddii ay dhacdana iyagu yihiin halkii ay markii hore ka yimaadeen ee Ahlu-sunna.

Ammarka ay qaadan doonaan ayeey sheegeen inuu yahay kan madaxda Ahlu-sunna, haddii ay ballan ka bax ay sameyso dowladda federaalka ah.

Dhanka kale, saraakiishan ayaa sheegay in dowladda ay ka meer-meertay dalacsiintooda, ayna meel iska dhigeen warqaddii dalacsiinta ahayd ee Sheekh Maxamed Shaakir u gudbiyey dowladda federaalka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News