U bood dhigaalka

Ahlu-sunna Oo Xukuntay Maxaabiis Ay Ku Qabteen Dagaalkii Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Maamulka Gobollada dhexe ee Ahlu-sunna Waljameeca ayaa maxkamadeeyay 31 maxaabiis oo ay ku qabteen dagaalkii ka dhacay degmada Dhuusamareeb 2-dii Maarso 2016.

Afhayeenka Maxkamadda ciidamada maamulka gobollada dhexe Maxamuud Cadaawe Salaad ayaa sheegay in maxaabiistan lagu soo qabtay dagaalkii ka dhacay Dhuusamareeb laguna riday xukunno kala duwan.

Maxaabiista ayaa lagu riday xukunno xabsi ah oo u badan muddo 3 sano ah, waxaana sidoo kale Ahlu-sunna ay la wareegtay hub ay sheegeen in maxaabiistaan ay wateen markii dagaalka lagu soo qabanayey.

“Nimankaan wax walbo Saanad Milatari oo laga qaaday sida gaadiidka dagaalka, qoryihii yaryaraa waxaa la wareegay maamulka Gobollada dhexe” ayuu yiri Afhayeenka.

Dagaal uu hogaaminayey sarkaal lagu magacaabayey Liibaan Madaxweyne oo mar ka mid ahaa isla Ahlu-sunna ayaa dagaal ku qaaday 2-dii bisha Maarso sanadka 2016, waxaana dagaalkasi dhaawaca uu kasoo gaaray sarkaalkan sidoo kalena waxaa la qabtay maxaabiis ka badan 31 qof.

Goobjoog News