Ahlu-sunna: Wada Hadal Lama Geli Doonno Galmudug

Afhayeenka Ahlu-sunna Waljameeca Mursal Maxamed Xeefow ayaa sheegay in marnaba aanay dooneyn in wada hadal ay la galaan maamulka Galmudug oo siyaasad ahaan isku diiddan yihiin.

Waxa uu sheegay in ay jiraan kulamo iyaga iyo dowladda Federaalka horay u dhexmaray balse aanay jirin wax natiijo ah oo kasoo bixay, sidaa darteedna hadda aysan dooneen inay meel la fariistaan Galmudug.

“Mas’uuliyadda deegaaanka aan joogno annaga ayaa wax nalaga weydiinayaan, muddo Sanad ka badan baa kasoo wareegtay markii wasiirka arrimaha gudaha Federaalka ayaa noo yimid, waxa uu nala galay wada hadal iyo wada xaajood, waxa uu naga tagay wada hadalladii aan guuleysan ama fashilmin, marka annaga hadda meel aan kula hadalno Galmudug maba u jeedno” ayuu yiri Afhayeenka.

Ahlu-sunna Waljameeca ayaa sheegta in aysan aqoonsaneen maamulka Galmudug, iyaga oo sameystay maamul ay ugu magac dareen Gobollada dhexe.

Maamulka Galmudug dhankooda waxay sheegeen inay diyaar u yihiin in wada hadal ay la galaan Ahlu-sunna Waljameeca sidii ay horayba ula heshiiyeen qeyb ka mid ah Ahlu-sunna.

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW