U bood dhigaalka

Ahlu sunna Wal jamaaca oo ku gacan seyrtay heshiiskii maamul u sameynta gobollada dhexe

Sheeko:War

Maamulka Ahlu sunna Wal jamaaca ee gobollada dhexe ayaa ka soo hor jeestay heshiiskii maamul mideysan loogu sameeynaayey gobollada dhexe soomaaliya ee maalintii arbacada aheyd lagu saxiixay magaalada muqdisho.

Guddoomiyaha guddiga fulinta maamulka Ahlu sunna ee gobollada dhexe Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali Mire (Al-Ashcari), ayaa sheegay in maamulkooda uu ka soo horjeedo heshiiska maamul mideysan loogu samaynayo gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Al-Ashacari wuxuu sheegay in heshiiskaasi uu khuseyn Alhusunnada gobollada dhexe, isla markaana tilmaamay in  xubnaha u saxiixay heshiiskaas aysan matalin Ahlu sunna.

Heshiiska Arbacadii lagu gaaray magaalada Muqdisho ee maamul mideysan loogu samaynayo gobollada Galgaduud iyo Mudug waxaa maamulka Ahlu sunna u saxiixay guddoomiyaha saddexda gole ee Ahlu sunnada gobollada dhexe Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye.

Waxaa sidoo kale heshiiskan hal maamul loogu sameynayo gobollada Galgaduud iyo Mudug gaashaanka u daruuray maamulka Ximan iyo Xeeb.

 

Halkan ka dhageyso wareysiga Guddoomiyaha guddiga fulinta Ahlu sunna