U bood dhigaalka

Ahlu-sunna: Waxaa Nasoo Weeraray Ciidank Xoogga Dalka Iyo Galmudug

Sheeko:Dalka

Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee degmada Dhuusamareeb ayaa sheegay in dagaalkii saakay iyo xalay ka dhacay degmadaasi ay ka qeybgaleen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Galmudug State.

Afhayeenka maamulkaasi Mursal Maxamed Yuusuf oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in mar qura ay ka war heleen weerar lagu soo qaaday saldhigga ciidanka iyo sidoo kale xarun uu sheegay in madaxtooyo u tahay maamulka Gobollada dhexe ee isla Ahlu-sunna ah.

Waxa uu tilmaamay Afhayeenka in dagaalkaasi uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta balse la weydiin doono wax walba oo dhanka shacabka soo gaara ciddii weerarkaasi lahayd.

“Waxaa weerarkaan soo qaaday ciidanka xoogga dalka ee 21-aad kuwa maamulka Cadaado iyo kuwo kale oo siyaasiyiin ka ammar qaata, waxay dhibaateeyeen dad shacab ah, isbitaal ayeey galeen oo dad ayeey ku laayeen, maqaayad bay galeen oo sidoo kale rasaas bay dadka ku fureen, madaafiic badanna magaalada wey ku asqeeyeen” ayuu yiri Afhayeenka.

Ciidanka Galmudug ee uu sheegay dagaalkaasi inay ka dambeeyeen ayuu tilmaamay inay ahaayeen kuwii shalay kasoo dagaallamay deegaanno ku dhaw degmada Xarardheere, saakana lasoo aadiyay dhanka Dhuusamareeb waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xaaladda guud ee degmada Dhuusamareeb ayaa saaka ah mid ka deggan sidii saaka, waxaana degmadaasi dib ula wareegay ciidanka Ahlu-sunna Waljameeca inkastoo degmada ay ka barakaceen dadkii shacabka ahaa.

Dhinaca kale Goobjoog News ayaa isku dayday inay xiriir la sameeyso saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee 21-aad iyo maamulka Galmudug si aynu wax uga weydiinno eedeynta ay u jeediyeen Ahlu-sunna balse waa inoo suurta geli weysay.

Goobjoog News