U bood dhigaalka

Ahlu Sunnah: Dilka hogaamiyaha Al-Shabaab ma ahan micnahiisa in la soo af jaray Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Ururka Ahlu sunnah waljamaaca oo marar badan ay wada dagaalameen xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay in dilka hogaamiyihii hore ee Al-shabaab aanu ka dhignayn in la soo af jaray xarakada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha guddiga talada ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howl gallada ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab.

Waxa uu xusay in ka Ahlu sunnah ahaan ay ka digtoonaanaan doonaan dhaqdhaqaaqyada Al-shabaab meelaha ay ka arimiyaan Ahlu sunnah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku dhiira galiyay guddoomiyaha guddiga talada Ahlu sunnah waljamaaca in ay sii dar dar geliso howl galka ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab.

Ururka Ahlu sunnah waljamaaca ayaa dagaal adag kula galay Al-shabaab 2009-kii  magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.