U bood dhigaalka

Ajandaha shirka maanta ka furmi doona magaalada Copenhegan ee dalka Denmark

Sheeko:Dalka

SomaliWaxaa maanta magaalada Copenhagen ee dalka Denmark ka furmi doona shir looga hadlayo hiigsiga 2016, waxaana soo qaban qaabisay dowladda Denmark.

Hadaba Akhristayaal waxaan halkaan idiin kugu soo gudbinaynaa Ajandaha shirka maanta furmi doona.

Ajandaha shirka Copenhagen

19 November 2014

Kalmadaha soo dhaweynta (10:30 – 10:30)

Khudbadaha furitaanka waxaa jeedinaya gabadha ah Ra’isulwasaaraha Dernmark Helle Thorning-Schidt iyo madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Jefrfrey Feltman.

Aragtida sanadka 2016-ka (10:30-12:15)

Waxa ay ergadu ka doodeysaa horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay ka mid tahay dhismaha maamul goboleedyada iyo dhamaystirka iyo meelmarinta dastuurka iyo waliba qabashada doorashooyin sanadka 2016-ka.

Waxaa qeybtani xiriirinaya wasiirka arrimaha dibada Denmark Martin Lidegaard

Amniga iyo xasiloonida (12:30 – 13:30)

Waxaa laga doodayaa xadgudyada ciidamada, qorshaha xasilinta dalka, iyo saameynta hawlaha amniga ku yeelan karaa gargaarka

Waxaa qeybtani xiriirinaya wasiirka arrimaha dibada Denmark Martin Lidegaard.

Qado

Xoojinta isla xisaabtanka maaliyadda, hufnaanta iyo iskaashiga (15:00 – 16:30)

Ka doodista maamulka maaliyadda iyo iskaashigan qorshaha Hiigsiga cusub

Waxaa qeybtani xiriirinaya wasiirka ganacsiga iyo horumarinta iskaashiga ee Denmark Mogens Jensen

Xiritaanka shirka : Soo koobis iyo khudbadaha xiritaanka (16:30-17:15)

Waxaa hadalka xiritaanka jeedinaya madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Jeffrey Feltman iyo wasiirka arrimaha dibada Denmark Mogens Jensen.

20 November 2014

Nabadda iyo hiigsiyada dhismaha dowladeed 2014-ka iyo 2015-ka (08:00-10:00)

Waxaa laga doodayaa Siyaasadda la’iska wada arkayo , amniga iyo caddaalada

Nabadda iyo hiigsiga dhismaha dowladnimada 2014-ka iyo 2015-ka (10:15 – 12:15)

Waxaa laga doodayaa asaaska dhaqaalaha, iyo uruurinta canshuuraha

Quraac

Dib u eegiska samofalka, gurmadka, iyo qorshayaasha fog (13:45-15:30)

Khudbadaha xiritaanka

Goobjoog News