U bood dhigaalka

Ajendaha Shir Madaxeedka Maanta Nairobi Uga Furmaya IGAD

Sheeko:Dalka

Hoggaamiyeyaasha dalalka bariga Afrika ayaa maanta shir madaxeed ku yeelanaya magaalada madaxda dalka Kenya ee Nairobi.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdisalaam Cumar Hadliye  oo horay Goobjoog News uga warramay ajendaha kulanka waxaa uu sheegay:

“Madaxweyne Farmaajo ayaa tagaya Nairobi, waxaa dhacaya shir madaxdeed ay IGAD madaxdeeda isugu imaaneyso, waxaa looga hadlayaa waa hal ajende, waana qaxootiga Soomaaliya”.

Shir madaxeedkan arrimaha qaxootiga oo horay loogu ballamay markii shir madaxdeedka IGAD Muqdisho lagu qabtay bishii September ee sanadkii tagay.

Wararka shirarka kala soco, Goobjoog News

Goobjoog News