U bood dhigaalka

Ajendaha Maanta Ee Kulanka Baarlamaanka Oo Loo Qeybiyay Xildhibaanada

Sheeko:Dalka

XildhibaanXildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan xasaasi ah ku leh xaunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho, iyada oo la donaayo in maanta codka kalsoonida ah loo qaado Ra’iisul wasaaraha magacaaban Cumar Cabdirashiid.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa soo xaadiray xarunta golaha shacabka, waxaana la filayaa in halkaasi ay gaaraan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha magacaaban Cumar Cabdirashiid Cali.

Hadaba xildhibaanada waxaa loo qeybiyay ajendaha kulanka maanta waxaana uu yahay sidan:-

1-   Soo dhaweynta Madaxweynaha iyo Hadal Jeedinta Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari

2-   Codsiga Kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha magacaaban

3-   Codeynta Kalsooni siinta Ra’iisul wasaaraha magacaaban

4-   Dhaarinta Ra’iisul wasaarah

5-   Mahadcelinta Ra’iisul wasaaraha

6-   Khudbadda Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud

7-   Xiritaanka kulanka baarlamaanka ee maanta

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena