U bood dhigaalka

Ajendaha Maanta ee Shirka Istanbul iyo Qaabka Looga Hadlayo Arrimaha Farsamo

Sheeko:Dalka

Maanta waxaa lagu wadaa in Istanbul lagu soo gabagabeeyo shirka Hiigsiga 2016-ka, waa shirkii 3-aad oo heer wasiiro ah, waana kii 6-aad oo looga hadlo waxa loo yaqaano New Deal-ka.

Shirkan oo talaadadii bilowday waxaa khudbado ka soo jeediyay Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Turkiga, waxaa sidoo kale laha hadlay arrimaha amaanka iyo wixii dowladda Soomaaliya u qabsoomay 3-dii sano ee Hiigsiga uu jiray.

Shirka maanta waxaa xoogga lagu saari doonaa arrimo farsamo, waxaana ka qeyb geli doono saraakiil sare oo labada dhinac ah, waxaa lagu soo gagabeyn doonaa khudbadda ra’isul wasaare ku xigeenka Turkiga  H.E. Yalçın Akdoğan.

Arbaco: February 24,

16:00-17:00: Maalinta xiritaanka:

Khudbadda Ra’isul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga:H.E Yalçın Akdoğan.

Khudbadda Ergeyga xogheyaha guud ee qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mr. Michael Keating.

Khudbadda Madaxweynaha Soomaaliya H.E Hassan Sheikh Mohamud.

Shirka Istanbul waxaa looga hadlayaa Arrimaha amaanka, Nabadda, dhismaha dowladnimo, dib u heshiisiinta, arrimaha federaalka, dib u habeynta dastuurka, arrimaha doorashada, dhaqaalaha iyo arrimo kale.

Goobjoog News.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale