U bood dhigaalka

Ajendaha Shirka Brussels, Maalinta 1-aad

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta ka furmaya magaalada Brussels shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, shirkan oo 2 maalin socon-doona waxaa xoogga lagu saarayaa arrimaha siyasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Hadaba, halkan ka akhriso Ajendaha maalinta 1aad:

Arrimaha Siyaasadda: Ajendaha ugu horeeya ee laga hadlayo waa arrimaha siyaasadda, waxaana goobta ka hadli-doonna wufuud badan waxaa ka mid ah: Ra’isul wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka dastuurka Cabdi Xoosh iyo Alex Romdos oo midowga yurub u qaabilsan geeska Afrika.

Amniga Qeybta 1aad:  Waxaa qeybtan xoogga lagu saarayaa horumarrada iyo caqabadaha amniga heysto, waxaana ka hadli-doona, Shariif Xasan madaxweynaha Koonfur galbeed, Cabdi Saciid oo ah lataliyaha amniga ee madaxweyne Farmaajo, Xasn Cali wasiirka arrimaha gudaha.

Amniga Qeybta 2aad: Waxaa dadka ka hadlaya ka mid ah Cabdiraxmaan Yarisow duqa iyo guddoomiyaha Banaadir, sida deeq loogu heli lahaa amniga waxaa isna ka hadlaya wasiirka maaliyadda Cabrxamaan Beyle, waxaa kale oo isna hadli-doona Madera oo ah madaxa AMISOM.

 

Dhaqaalaha: Waxaa iyadana isla manta laga hadli-doonnaa arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya , horumarada la gaaray iyo caqabadaha heysta, dadka ku qoran inay hadlaan waxaa ka mid ah: Cabdiweli Gaas oo ah madaxweynaha Puntland, caqabadaha heysta dhaqaalaha waxaa ka hadli-doona wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle iyo Jamaal Xasan oo ah wasiirka qorsheynta, waxaa kale oo hadli-doona madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Waare.

 

Dhinaca kale, Jubbaland waxay qaadacday shirka iyadoo ku doodeysa in wax laga bedalay Ajendaha Shirka ee daqiiqadihii ugu dambeysay.

 

Goobjoog News