U bood dhigaalka

Ajnabi iyo Gabdho Walaalo Ah Oo Ku Dhintay Weerarkii Al-shabaab Ee Posh Treats iyo Pizza House

Sheeko:Dalka

Weriye ka tirsan Goobjoog News oo goordhaw goobta tagay ayaa sheegaya in weerarka Al-shabaab ee Posh Treats iyo Pizza House  uu ku dhintay muwaadin Suuriyaan ah.

Dadka kale ee gudaha Pizza House  lagu arkay waxaa ka mid ah 4 gabdhood oo walaalo oo 3 ka mid ah la dilay halka midda 4aad la toogtay kadibna ay meyd iska dhigtay, sidaasina ay ku bad-baaday mid ka mid ah gabdhihii.

Goobta waxaa laga sheegaa burb-bur baaxad weyn oo illaa 8 guri gaaray, guud ahaan tirada dhimatay waxaa lagu sheegay 19 qof.

Wararkan oo faah-faahsan iyo Sawirrada kala soco, Goobjoog News