U bood dhigaalka

Akhiriso: Ajendaha Shirka Uu Farmaajo Uga Qeyb Galayo Uganda, 30 Madaxweyne Ayaa Jooga

Sheeko:Dalka

Iyada oo dunidan ay arrinta qaxootiga ka noqotay mushkilad joogta ah ayaa maanta waxaa magaalada Kampala ee dalka Uganda ka dhacaya shir arrimaha qaxootiga gobolka looga hadlayo.

Shirkan oo hal ku dheggiisu yahau “Garab Istaagga Qaxootiga” waxaa iska kaashanaya Qaramada Midoobey iyo dalalka qaxootiga marti-geliya.

Ujeedada shirka ayaa lagu sheegay in qaxootiga loo sameyn doono barnaamijyo ay ku jiraan deeqo, maal-gelin iyo barnaamijyo ay noloshooda ku hor-mariyaan.

Shirkan oo labo maalin socon doona waxaa kale oo xoogga lagu saarayaa qaxootiga jooga dalka Uganda ku sugan ee ka yimid Koonfurta Suudaan, oo la sheegayo in hal sano gudaheed uu tagay 1.25 million halkii s bil ka hor uu ahaa 500,000, qaxootigan Koonfurta Suudaan 87% waa haween iyo caruur.

Shirka Qaxootiga ee Uganad, Waxaa ka soo qeyb-galaya illaa 30 Madaxweyne, waxaana wada martigelin doona madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni iyo xogheyaha guud ee qaramada Midoobey Antonio Guterres, waxaana lagu wadaa in la uruuriyo lacag dhan $2 billion oo qaxootiga shaqo abuur loogu sameeyo 4ta sano ee soo socota.

Goobjoog News