U bood dhigaalka

Akhriso: Faahfaahin Qarax Saaka Ka Dhacay Afaafka Dekadda Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa faahfaahin dheeraad ah laga helayaa qarax  saaka ka dhacay afaafka hore ee dekadda magaalada Muqdisho, kadib markii gaari lagu weerar laanta canshuuraha oo ka soo horjeeda dekadda, warar ka duwan ayaa waxaa ay ka soo baxayaan kkhasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi.

Waxaa  inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyooday hal ruux, kaas oo ahaa ruuxii waday gaarigii is qarxiyey, halka ay dhaawacyo ay soo gaareen 5 askari oo ka tirsanaa ilaalada goobta, iyadoo sidoo kale uu dhaawac soo gaaray haweeney goobta ku laeyd maqaaxiyad.

Qaraxa lagu weraray laanta cashuuraha iyo dhaqaalaha dekadda ayaa waxaa loo adeegsaday gaari yar oo ah kuwa raaxada kaas uu uu waday qof naftii hure ah, kaas oo awood ku soo dhaafay koontarool, ciidamada xabado kadaba riday ayaa keentay in gaariga uu qarxo, sida ay sheegeen laamaha ammaanka , oo hadda wado baaritaanka qaraxa.

Goobjoog News