U bood dhigaalka

Akhrisi: Nuxurka Heshiiska TPLF iyo Dowladda Itoobiya

Sheeko:Amniga

Waxa magaaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, lagu saxiixay heshiis lagu dhameeystirayay wadahaladii ka soo bilawday dalka Koonfur Afrika ee u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo Jabhadda TPLF.

Tigrayga iyo xukuumadda Abiy ayaa isla gartay in xalka nabad lagu soo dabaallo kadib wadahadalo ay midawga Afrika garwadeen ka ahaayeen.

Labada dhinac ayaa miiska isugu yimid markii ugu horeysay kadib dagaal qaatay laba sano oo ka dhacay gobalka Tigrayga iyo qaybo kamid ah dalka Itoobiya.

Wadahadalada oo qaatay muddo ka badan laba todobaad ayaa la heshiis dhinacyada ay gaareen ku soo dhamaaday.

Makalle iyo Adis ayaana aqbalay in xalka uu miiska yahay, waxaana labada dhinac ay soo saareen qodobadii ay isku afgarteen.

Heshiishka ayaa dhigayay in labada dhinac ay si wadajir ah ugu shaqeeyaan nabadda gobalka.

Qaar kamid ah qodobada labada dhinac ay islagarteen ayaa u dhignaa sidaan:-

1: In wixii aan ciidanka gaarka ah ee tigreega ahayn ee hub wata ay hubka dhigaan Kuwa wareejiyaan gudi Isku dhaaf ah oo labada dhinac ah .

2: In Dhamaan adeegyadii kala duwanaa Loo furo deegaanka tigreega si Degdeg ah .

3: In ciidanka Ethiopia Lagu wareejiyo Amniga magaalada MAKALLE meelaha kalee hadhsan tartiib tartiib ciidanka federaalka loogu wareejiyo.

4: In si Degdeg ah Loo dhiso Maamul ku meel gaadh ah oo labada dhinac ah .

5: Ciidanka Eritria si Degdeg ah looga saaro deegaanka tigreega.

6: In Mudo kooban gudaheed doorasho laga qabto deegaanka tigreega xisbigii ku guulaystana uu si gooni ah u maamulo deegaankaas Saamigii tigreegu federaalka ku lahaana la kordhiyo.

7: In Wixii maxaabiis lakala haysto lasii daayo shuruud la’aan.

Iyo qodoba kale, waxaana lagu dhawaaqay in heshiiskaan uu tahay mid dhaqan gal ah oo ay labada dhinac fulinayaan.

Heshiiskaan ayaana ku soo adaaya kadib muddo ku siman laba sano oo uu ka socday dalka Itoobiya dagaal ay labada dhinac dad badan uga dhinteen.