U bood dhigaalka

Akhriso: 4 Sabab oo ay Ku Fiicantahay “Hal Deegaan Doorasho”!

Sheeko:Amniga

Kadib doorasho soo jiitameysay tan iyo July 29-ka sanadkii hore, maanta waxaa la filayaa in kulan sixitaan ah ay caasimadda Muqdisho ku yeeshaan madaxda madasha wadatashiga qaran oo ay ku mideysan yihiin ra’isul wasaaraha Soomaaliya, madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Qodobbada laga hadlayo marka laga soo tago amniga oo ra’isul wasaaraha inuu hoos tago la adkeyn doono, sixidda habraacyada doorashada, habeynta xulista ergada, qeexidda jadwalka iyo guddiyada doorashada, waxaa kale oo si gaar ah dood laga yeelan doonaa “Deegaan Doorashada” in labada magaalo lagu daayo iyo in hal magaalo lagu soo koobo.

Haddaba, marka la fiiriyo nooca doorasho iyo xaaladaha kale ee dalka ka jira, ma jirto wax ka fiican in deegaan doorashada lagu koobo hal magaalo, halkanna ka akhriso 4 sabab.

Dedejinta Waqtiga Doorashada:

In doorashada ay 5 bil soo jiitanto, ilaa hadana xildhibaannada la doortay aaney dhameyn 90 ka mid ah  xildhibaannada ka kooban 329-ka ee baarlamaanka federaalka ah waxaa u sabab ah caga-jiidka maamul goboleedyada, oo aan ku qanasaneyn labada deegaan doorasho, haddii lagu adkeysanaya waxaa ay horseedi kartaa dib u dhac horleh, sidaa darteed soo afjarista doorashada waxaa udub dhexaad ah u doorashada ay ka dhacdo hal deegaan doorasho.

Yareynta Khilaafaadka:

Sababta kale, ee hal deegaan doorasho ka dhigeysa midka ugu haboon waa in lasoo yareeyo khilaafka maamullada kala dhaxeeya magaalooyinka aan caasimadda aheyn.

Marka laga reebo Koonfur galbeed iyo Cabdicasis Lafta-gareen, inta kale madaxda waxaa ay caqabad kala kulmi doonaan magaalooyinka kale sida: Deniga Puntland iskuma fiicna Boosaaso, Qoorqoor-ka Galmudug wey ku adagtahay maamulidda Galkacyo halka Guudlaawaha Hirshabelle iyo Madoobaha Jubbaland aaneyba tagi Karin Baladweyn iyo Garbahaarey.

  Caqabad Amni:

Caqabada keeni kara in hal deegaan doorasho laga dhigo waxaa ay ugu weyn midda amniga, oo waxaa aad ugu adag sugidda amniga ee magaalooyinka ka fog caasimadaha maamul goboleedyada.

Qaarkood magaalooyinkaasi dhulka laguma tagi karo oo waxaa ku hareereysan Al-shabaab sida Baraawe halka qaar kale ay geesaha ama gudaha ka joogaan ciidamo kasoo horjeeda maamulka sida Boosaaso, Baladweyn iyo Garbahaarey.

Dhaqaalaha iyo Lojistikada:

In hal deegaan doorasho lagu kobo waxaa kale oo ay albaabka u furi kartaa in ay yaraato ku tiirsanaanta baahida aadka ah ee loo qabo beesha caalamka iyo xataa maalgelinta ay marar badan u hakatay doorashada, waxaana la raaci doonaan qaab aad u dhow doorashada aqalka sare.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye