U bood dhigaalka

Akhriso: 5 Qodob oo Kusoo Koobaya Xaaladda Siyaasadeed oo Aan Laheyn Albaab Laga Baxo

Sheeko:Amniga

Qaraxii xalay maqaaxida Luul Yamani ee Xamarjabab, Muqdisho ee ay ku dhinteen in ka badan 20 qof, kuna dhaawacmeen 30 kale iyo guud ahaan xiisadda amni darro ee jirtay bishii ugu dambeysay waa qeyb ka mid ah qandhada doorashada.

Haddaba, Halkan ka akhriso  5 Qodob oo Kusoo Koobaya Xaaladda Siyaasadeed oo Aan Laheyn Albaab Laga Baxo.

Muqdisho Kala Xiran: Saaka iyo xalay waxaa Muqdisho meel walba daadsan ciidamo wato gawaari tikniko ah oo tiro badan, waxaa xusid mudan in qaraxa Yamani uu dhacay xilli ay ciidamadu jidadka xireen.

Burburka Wada hadallada Rooble iyo Musharaxiinta: Waxaa xirmay albaabka keliya ee u furnaa dejinta xiisadda Muqdisho, iyada oo uu burbur kuyimid wada hadallo u socday ra’isul wasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Rooble iyo midowga musharaxiinta.  Burburka wada hadalladan waxaa ay sababi karaan in uu sii xoogeyso is aaminaad la’aanta iyo kala fogaanta u dhaxeysay midowga musharaxiinta iyo dowladda federaalka ah.

Dibadbaxa oo Baaqday: Midowga musharaxiinta oo shir jaraa’id qabtay jimcihii ayaa baajiyey dibadbax ay maanta iclmaaiyeen iyaga oo sabab uga dhigay xaaladda caafimaad ee dalka. Inkata oo ay balanqaadeen inuu mar kale dhici doono ma sheegin goobta iyo goorta, waxayse intaa ku dareen in amniga dibadbaxa ay iyagu sugi doonaan.

Xukuumadda oo Mowqifkeedii ku Adkeysaneysa: Xukuumadda federaalka ah sarkaal u hadlay waxaa uu sheegay in amniga dibadbaxa aaney sugi doona cid iyaga aan aheyn, Xundubey oo ah wasiirka amniga ayaa ka hadlayey shir jaraa’id uu qabtay jimcihii.

Fashilka Shirkii Doorashada: Guud ahaan waxaa fashilmay shirkii lagu saxiixi lahaa qoraalkii kasoo baxay guddigii farsamo ee Baydhabo ku shiray January 15-16. Shirka oo uu Farmaajo iclaamiyey inuu qabsoomo khamiistii hore ayaa la iman waayey, waana markii 3-aad oo maamul goboleedyada ay diidaan shir uu isugu yeeray Farmaajo, shirkaas lama oga xilliga uu dhici doono.

Weli xal waara lagama gaarin arrimaha la isku heyso ee guddiyadii doorashada ee lagu muransanaa iyo cidda xuleysa xildhibaannada Somaliland.

Inkasta oo beesha caalamka ay qoraallo badan soo saarto, hadaba baaqdeeda waxaa ugu muhiimsan in aan ka qaban doorashooyin hal dhinac ah, isbarbar socda, waxayna ka digtaa qalalaaso, mana farageshato jiheynta arrimaha dalka.

Iyada oo arrimhaas oo dhan ay jiraan ayaa hadana dalka waxaa dhibaato kale ku haya Covid 19 iyo abaaro ka jiro gobollada badan, kuwaas oo haddii laga mashquulo keeni kara xaalad halis ah.