U bood dhigaalka

Akhriso: Ajendaha iyo Madaxda Ka Hadleysa Shirka Maanta Ee Madasha Iskaashiga ee Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta lagu wadaa in caasimadda Muqdisho lagu qabto shirka madasha iskaashiga caalamka ee Soomaaliya(Somalia Partnership Forum), iyada oo u dhacayo qaabka Zoomka.

Shirka ayaa looga hadlayaa nabadda, doorashada, dastuurka, amniga, arrimaha bulshada, Covid 19 iyo isbadalka cimilada.

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan dowladda federaalka ah, dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka ayaa lagu wadaa iney hadallo kasoo jeediyaan mas’uuliyiin badan sida:

Dowladda Federaalka ah: Waxaa dhankeeda ka hadli doona: Ra’isul wasaare Maxamed Rooble, Mahdi Guuleed ra’isul wasaare ku-xigeenka, Cabdiraxmaan ducaale Beyle oo wasiirka maaliyadda ah, Maxamed Cabdidirisaq oo wasiirka arrimaha dibadda ah, Xasan Xuseen Xaaji oo ah wasiirka gashaandhigga, Xasan Xundubey oo isna ah wasiirka amniga gudaha, Cabdiqaadir Maxamed Nuur wasiirka cadaaladda, Fowsiyo Abiirkar Wasiirka caafimaadka, Saalax Axmed Jaamac wasiirka dastuurka, Jamaal Maxamed oo wasiirka qorsheyna ah, Xaniifa Ibraahim oo ah wasiirka haweenka iyo Xaliimo Yarey oo madax ka ah guddiga doorashada qaran ee laga tillaabsaday.

Dhanka Dowlad goboleedyada: Waxaa hadli doona: Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Galmudug Axmed Kaariye Qoorqoor, madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe, madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasis Lafta gareen iyo duqa Muqdisho Cumar Finish.

Dhankooda beesha caalamka: Waxaa ka hadli-doona James Swan, oo ah ergeyga xogheyaha guud ee qaramada midoobey ee Soomaaliya, Amp. Francisco Madera oo ah ergeyga midowga Afrika iyo Kristina Svensson oo ka socota bangiga adduunka.

Wixii kasoo kordha kala soco halkan.

Goobjoog News