U bood dhigaalka

Akhriso: Ajendaha Iyo Waxyaabaha Looga Hadlayo Shirka Amniga Qaranka Ee Baydhabo

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Baydhabo ka furmaya maanta shirka amniga qaranka oo ay ka qeyb galayaan madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ra’isul wasaare Kheyre, Labada gole ee baarlamaanka federaalka ah iyo dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, waxaa kale oo ku sugan guddiyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin Dastuurka iyo Doorashada.

Haddaba, Goobjoog News, sida caadada ah, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa ajendaha shirka iyo qodobadda xoogga lagu saari-doono.

Dhanka Amniga:

Dhismaha ciidamo xoogga dalka oo ay ugu horreyso isku dhafka ciidamada Danab, iyo guddi howl-gal oo ciidamada xoogga dalka ah waa qodob muhiim ah oo shirka looga hadli-doono.

Isla amniga,  waxaa lagu soo qaadi-doonnaa dhismaha, isku dhafka iyo xoojinta ciidamada Booliiska gobollada iyo in dowladda federaalka ah ay hub, lacag iyo tababar siiso booliiska maamul goboleedyada iyo in la dhiso guddi farsamo oo amniga dalka ka shira 3dii todobaadka hal jeer.

Arrimaha Siyaasadda:

Shirka amniga qaranka ee Baydhabo waxaa xoogga lagu saari-doonaa in lagu dhaqmo qorshe siyaasadeed oo lagu gaarayo 2020-ka kaas oo fulintiisa ay iska kaashanayaan dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada.

Waxaa kale oo la isku afgaran-doonnaa guddi 10 qof oo arrintan ka shaqeeya, taas oo howlihiisa la wada ogyahay.

Shirka Baydhabo, waxaa ku sugan labo guddi oo muhiim ah, waa dastuurka iyo doorashada, waxaa laga hadli-doonnaa heerka uu marayo qorshaha dib u eegista dastuurka, nooca doorasho oo ay tahay in Soomaaliya qaadayo 2020-ka iyo sida ay tahay in Soomaaliya doorasho qof iyo cod ah uga dhacdo 2020-ka.

Dhaqaalaha:

Arrimaha shirkan aminga qaranka ay tahay in looga hadlo waxaa ka mid ah qeybsiga kheyraadka dalka gaar ahaan kaluunka.

Dhammaan qodobbada aan soo sheegnay oo ka mid ahaa qaar looga wada hadlay shirarkii amniga ee Muqdisho December 4 iyo February 26 ayaan ilaa hadda xal laga gaarin, waxaana lagu wadaa in shirkan lagu sii lafa-guro.

Ugu dambeyntii, shirkan amniga waxaa uu ka mid yahay shirarka muhiimka u ah shacabka Soomaaliyeed, waxaa uu daba socdaa shirkii London ee May 2017 kaas oo Soomaaliya iyo 42 dal oo caalamka ah ay ku heshiiyeen in la dejiyo siyaasadda amniga qaranka oo ay ku jirto dhismaha ciidamada xoogga dalka oo gaaraya 22,000 askari, dhismaha ciidamo booliis oo gaaraya 32,000 iyo weliba in waqti loo sameeyo ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya.

Goobjoog News