Akhriso: Ajendaha Kulamada Guud ee Golaha 7-15 Agoosto 2017-ka
Golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah, waxaa uu soo bandhigay ajendaha kulamada bishan, Goobjoog News ayaa heshay sida ay wax u dhacayaan, maalmaha soo socda.
Ajenadaha Kulamada Golaha Shacabka:
1 . Ka doodista Nuxurka doorashada 2020: warbixinta guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka Qaranka Isniin iyo Talaado 7- 8 Agoosto.
2 . Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta – Akhrinta 2-aad 9 Agoosto.
3 . Kulanka Guddiga joogtada Golaha Shacabka Khamiis 10 Agoosto.
4 . Warbixinta Dhismaha Golaha Adeegga Garsoorka :
- Wasaaradda Cadaaladda iyo
- Guddiga Garsoorka iyo Arrimaha Diinta Sabti 12 Agoosto.
5 . Soo gudbinta Qorshohawleedka Guddiyada Golaha . 6- 14 Agoosto.
6 . Dib u-eegista Xeer Hoosaadka Isniin 14 Agoosto.
Qorsho-Howleedka Guddiyada Golaha Shacabka
Guddiga Goorta ay soo gudbinayaan
Guddiga Ganacsiga iyo Warshadaha 10 Agoosto 2017.
Guddig Kheraadka Dabiiciga Waa diyaar.
Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga 7 Agoosto 2017.
Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada 6 Agoosto 2017.
Guddiga Garsoorka iyo Arrimaha Diinta 6 Agoosto 2017.
Guddiga Dib-u –heshiisiinta iyo Xaqiiqo Raadinta 6 Agoosto 2017.
Guddiga Arimaha Dibedda 10 Agoosto 2017.
Guddiga Isgaarsiinta iyo Warfaafinta 6 Agoosto 2017.
Guddiga Beeraha Waxaa kala shaqeynaya Guddoonka.
Guddiga Difaaca Waxaa kala shaqeynaya Guddoonka.
Guddiga Xuquuqul Insaanka 6 Agoosto.
Guddiga Howlaha Guud 10 Agoosto.
Guddiga Maaliyadda 14 Agoosto.
Guddiga Xeer Hoosaadka 6 Agoosto.
- G: Kullamada Guud ee Golaha Shacabka waa la hakinayaa muddada 15.08.2017-05.09.2017 Mowsinka Xajka awgiis.
- Guddiyada Golaha shaqadooda si caadi ah ayey u wadan doonaan.
- Haddii Eebbe Idmo, Kullamada Guud ee Golaha wuxuu dib u furmayaa 6.9.2017.9:ooam Subaxnimo.
Goobjoog News,