U bood dhigaalka

Akhriso: Ajendaha Maanta Ee Kulanka Golaha Shacabka, Baarlamaanka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Golaha shacabka ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta lagu wadaa inuu yeesho kulankii ugu horeeyey ee kalfadhiga 5aad.

Ajendaha ayaa lagu sheegay in warbixin laga dhageysanayo guddiga dib u eegista iyo la socodka arrimaha dastuurka, iyaga oo ka warbixin doona 10 qodobka ee ay soo gabagabeeyeen.

Waxaa xusid mudan in aqalka sare aanu weli furin, labada aqal waxaa horyaalla arrimo badan oo ay ka yihiin hindise sharciyeedka doorashooyinka.

Goobjoog News