U bood dhigaalka

Akhriso: Ajendaha Shirka Aan Caadiga Aheyn ee IGAD Ee Djibouti

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta dalka Djibouti ka furmaya shir madaxeedka urur goboleedka IGAD, kaas oo xoogga lagu saari doonno arrimaha gobolka.

Shirkan aan caadiga aheyn ee 38-aad, waxaa ajendihiisa ka mid ah arrimaha Koonfurta Suudaan, xiisadda Soomaaliya iyo Kenya, xaaladda Itoobiya iyo arrimo kale oo xasaasi ah iyo hirka 2-aad ee coronavirus.

Shirka ayaa waxaa la filayaa iney haddallo kasoo jeediyaan madaxa shirka ra’aisul wasaaraha Suudaan Xamduuk, madaxweyneyaasha Djibouti, Kenya, Somalia, ra’isul wasaaraha Itoobiya iyo madaxweyne ku xigeenka Koonfurta Suudaan.

Goobjoog News