U bood dhigaalka

Akhriso : Ajendaha Shirka Garowe ka Furmaya

Sheeko:Amniga

Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxaa maanta ka furmaya shirkad sanadlaha ah ee machadka daarasaadka arrimaha siyaasadda ee Heritage , kaas oo sanadkan lagu qabanayo Garowe.

Garowe ayaa waxaa ku sugan mas’uuliyiinka kala duwan kuwaas oo ka qeeyb galaya shirka , Madaxweeynayaasha maamulada Galmudug , Puntland, Jubbalad, gudoomiyayaasha Baarlamaanka maamuladaas , guddoomiyayaasha labada Aqal ee baarlamaanka federaalka , xubnaha midawga musharixiinta marka laga reebo siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale ayaa ka qeeyb galaya Shirka .

Ajendaha shirka looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah : Xasilnta amniga dalka , sidii dalka looga qaban laaa  Doorasho qof iyo cod 2025, Dhameystirka dastuurka KMG iyo  Yagyeelidda nidaam federaal oo shaqeynaya.

Shirka oo sanadkiiba mar lagu qaban jiray dalka Jabuuti ayaa markii ugu horreeysay lagu qabanayaa Soomaaliya, waxaana muddo Saddex cisho oo uu socon doono sanadkaan looga hadlayaa xasilinta dalka ee dhanka Amniga, Dhameystirka Dastuurka, qabashada doorasho qof iyo cod ah iyo yagleelida nidaam Federaal oo Shaqeynaya.

S ikastaba Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waaweyn ee Magaaladaasi lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Amniga, kuwaas oo baaritaano ku sameynaya gaadiidka noocyadiisa kala duwan

Goobjoog News