U bood dhigaalka

Akhriso: Ajendayaasha Looga Hadlayo Shirka Maanta Lagu Wado In Uu Ka Furmo Muqdisho

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka wadatashiga arrimaha doorashooyinka oo maalmihi la soo dhaafay qaban qaabadiisa ay ka socotay caasimadda.

Shirkan oo ay isugu imaanayaan madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu wadaa in looga hadlo ajandayaal dhowr ah oo ay kamid yihiin:-

1: Sixidda Habraacyada

2: Xulista Ergada

3:Yareynta Samaeynta Madaxda Maamul Goboleedyada

4:Kaalimaha SIET, FIET/EDRC

5:Jadwal Doorasho oo Cusub.

Waxaa sidoo kale xalay magaalada Muqisho kulan ku yeeshay qaar kamid ah madaxda dowlad gobaleedyada dalka iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Rooble ayaa xalay kulan la qaatay madaxweynayaasha Hirshabeelle , Galmudug iyo Koonfur galbeed kulankaas oo gogol xaar u ahaa shirka wadatashiga.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa la kulmay madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle ka hor Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhawaan ka furmaya Muqdisho. Dhammaan madaxda Dowlad-goboleedyada ayaa soo gaaray Muqdisho,’ ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.
Warar horudhac ah oo an helnay ayaa sheegaya in madaxwda dowlad gobaleedyada dalka qaar oo khilaaf uu kala dhaxeeyay ra’iisul wasaare Rooble hadda la xaliyay.
Goobjoog News