U bood dhigaalka

Akhriso: Amarro Cusub oo uu soo Rogay Madaxweynaha Puntland

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni  ayaa markale  ka hadlay dibbadbaxyadii  ka dhashay diidmada Shilinka Soomaaliga oo muddooyinkii dambe kusoo noqnonayey magaalada Garowe,waxaana uu markale ku celiyey in ay muhiim tahay in sare loo qaado qiimaha shilinka Soomaaliga isagoo shaaciyey amarro cusub.

Xukluushii hore aan qaadanay oo aan is laaqadanay $1 ka yar inaan wax lagu gedi karin, taasna aysan kaafi ku aheyn inuu qiimaha shilinka uu soo noqdo baahidiisii, dowladdu waxaa ay qaadatay inaan lagu adeego  karin wax ka yar 10$, oo Electronic ah, balse lagu adeegto $10 wixii ka badan oo lagu bixin karin, shirkadaha ka shaqeeya sida ay markii hore noola shaqeeyeen waa ay ku mahadsan yuihiin $1 hore ay u furtay Golis haddana ay bilowday Somtel “.

Madaxweynaha oo sii hadlaayo ayaa xusay in  la kordhiyey laacagtii shilinka ee lagu qaadayey canshuurta dekadda sida uu yiri” “Dowladdu go’aan ku gaartay in lacagta shilinka Soomaaliga 10% in lagu qaado lacagta dekadda laga qaadi jiriray, waxyaabaha shinka ridaayo waxaa kamid ah, markii aan wareysanay dadkii waxyaabahaan ka shaqeyn jiray dadkii oo u wareegay lacagta Electronic ah oo isticmaalka shilinka uu yaraaday markii horena waan arkaynay”

Sidoo kale Deni waxaa uu sheegay in lasoo rogi doobno amarro kale oo dheeraad ah, kuwaas oo looga danleeyahay in kor loogu qaado qiimaha shilinka Soomaaliga sida uu hadalka u dhigay oo ay wajahayaan shirkadaha iyo sarifleyda “Waxaa jiri doono amarro kale oo  dadkaa ay quseyo aan fari doonno isgaarsiinta oo arriomahaas qaabilsan, xawaaladaha, dad sariflayaasha ah iyo dowladda qeybaheeda kale, laakiin hadalkaan waa hadalkii aad dadka u jeedinay dhaqangalkiisana waxaa jiraayo guddi joogta ah  oo  la socobnn doono isbedelka jira” ayuu yiri Deni.

Goobjoog News