U bood dhigaalka

Akhriso: Aqoonyahano Ka Hadlay Ismari-waaga Doorashada

Sheeko:Amniga

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa saacadihi la soo dhaafay waxa ay aheyd mid aad u kacsan , iyadoo Aqoonyahanada iyo dadka falan qeeya arrimaha siyaasadda dalka ay tilmaamayeen In aysan muuqan waddo loo baxo.

GoobJoog News  ayaa qaar ka mid ah Falanqeyayaasha Siyaasadeed iyo Aqoonyahanada Soomaaliyeed waxa ay hor dhigtay su’aalo ay ka mid yihiin Sida looga gudbi karo xaaladdan cakira, Fasiradda siyaasadeed ee laga bixin karo baaqa Mareykanka iyo arrimo kale .

Madaxa Machadka cilmi baaarista Arrimaha siyaasada Prof Afyare Cilmi ayaan hordhignay su’aalo ay ka mid yihiin dhacdooyinkii ugu dambeysay ee dalka , baaqa shirka iyo sameysanka madashada badbado, halka uu dalka u soc do ?

Prof Afyare ayaa yiri ” Horta dhanka Madasha waa wax dhanka wanaagsan laga fiiriyo waxaa la dhihi karaa wey soo urruurtay oo wax alla wixii Mucaarad ahaa baa hal weji, hal aragti iyo hal irid oo laga galo yeeshay ”

“Marka Issues-kii ay qabeen baa hal dhinac ka wada imaanaya , marka wanaaga ay keeni karto waxaa waye in meeshii qola walba gaar loola xaali lahaa ay taladi ay soo ururtay oo hal qolo iyo hal qolo ay iswajahayaan “.

Prof Afyare  oo sii hadlayay ayaa yiri” Dhanka ah Shirka hadda madaxweeynuhu uu ku baaqay waa iska caadi oo waxaan is leeyahay waxa uu ugu jawaabayay een erayada ka timid Mareykanka iyo Beesha Caalamka”.

 

Prof Afyare  ayaa sidoo kale waxaan wax ka weydinay sida loo fasiran karo Hadalka xog hayaha arrimahadda Mareykanka ka soo yeeray ee ku aadan in si deg deg ah Doorasho loo qabto waxa uuna ka yiri “Hadalka Mareykanka waxaan aniga isleeyahay fasirad badan uma baahna waayo waa cad yahay waxa uu leeyahay hala wada Hadlo oo doorasho hala aado oo dalka hadda meesha uu joogo hala dhaafiyo , marka hadda aad u wey ma jiro “.

Prof Afyare Cilmi ayaa sidoo kale waxa aynu wax ka weydiinay sida looga mira dhalin karo dadaalada Isbarbar socda ee ay kala wadaan Farmaajo , Madasha Badbaado Qaran iyo Beesha Caalamka waxaa uuna ka yiri ” Ani waxaan is leeyahay hadda shiraa Xammar loo joogaa siduu doonaba haku yimadoo oo qoladii Mucaaradka wey joogaan muxaafadkina magaalad Wey jogaan , een sida hadda James Swan iyo qolada QM ay ku dhawaaqday shirkaasi inuu dhacaayo ayey sheegen marka waxaan isleeyahay hadda Shir kale oo aan kaas aheyn sida uu ku qabsoomi karo aniga ima muuqato “.

Dhanka kale Wasiirkii hore ee Qorsheynta Jubbaland Adan Aw-xirsi oo aan hordhignay isla Su’aalahan ayaa GoobJoog News  ayaa sheegay in aysan mira dhal fican laheyn kulamada Muqdisho lagu qabanayo. \

Ugu horeyn Adan Aw-xirsi ayaa ayaan weydiinay dhacdooyinkii ugu dambeysay ee dalka , baaqa shirka iyo sameysanka madashada badbado, halka uu dalka u socdo ?

waxa uuna ku jawaabay sidan Adan Aw-xirsi  ” Horta arrinta muhiimadda ugu weyn lihi waxa weeye dadka ay arintan ay ka dhaxeyso oo muranka doorashada uu ka dhaxeeyo in ay iyagu isla fadhiistaan oo intey miis wada imaadan ay ka wada hadlaan sidii doorasho loo siman yahay fursadaheda ay u qaban lahaayeen”

“Waxaa jira marka laba doodod . dood waxeey oraneysa Xisbiyada siyaasadda heer qaran iyo Kooxdii horay ugu jirtay ee dowlad gobaleedyada iyo Gobalka banaadir iyo Madaxtooyada iyo Xafiiska ra’iisul wasaaraha meeshii haka howl galeen”

“Dooda kale waxeey oraneysa bacdamaa siyaasaddu ay ka badan yihiin 100 hatan ra’yigoodina la matalo oo ay jiraan dowlad gobaleedyo ra’yiga mucaaradka uba taagan iyagii haleysu daayo dowlad gobaleedyadii iyo Gobalka Banaadir iyo Dowladda Federaalka howshaa ha wada qabteen “.

 

Adan Aw-xirsi ayaa sidoo kale waxaan wax ka weydinay sida loo fasiran karo Hadalka xog hayaha arrimahadda Mareykanka ka soo yeeray ee ku aadan in si deg deg ah Doorasho loo qabto waxa uuna ka yiri ” Hadalka mareynka ee doorashada Antony Blinken Waan aqriyay marka waa iska hadal guud oo doorasha hala qabta ah oo aan cidna ku eedeyneyn in aysan doorashada waqtigeeda ku-qabsoomin oo aan hoosna cidna ula hadleyn oo aa keeneyn hadduu ilaahey idmo halbeegyo “.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta Jubbaland Adan Aw-xirsi   ayaan ugu dambeyntii isne waxaan hor dhignay sida looga mira dhalin karo dadaalada Isbarbar socda ee ay kala wadaan Farmaajo , Madasha Badbaado Qaran iyo Beesha Caalamka waxaa uuna ka yiri ”

Abdisalam Salwa Xoghihii hore Joogtada xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa dhankiisa hor dhignay Isla su’aalahan ayaa isna cabiray xaaladda dalka.

Xoghihii hore Joogtada xafiiska ra’iisul wasaaraha Abdisalam Salwa ayaa Ugu horeyn weydiinay dhacdooyinkii ugu dambeysay ee dalka , baaqa shirka iyo sameysanka madashada badbado, halka uu dalka u socdo ?

waxa uuna ku jawaabay sidan “Sida ka muuqata Madashan la sameeyay waxaa ku qoran Badbaado Qaran waxaana dalka laga badbaadinaya in dalka uu dibka ugu noqdo een godkii dheera ee uu ka soo baxay in uu dib ugu noqdo ee dagaaladii sokeeye iyo hayaanka loogu jiro sidii dalka uu u soo kaban lahaa “.

Abdisalam Salwe  ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha baaqa doorashooyinka ee Mareykanka .

” Runtii Hadalka ka soo baxay Dowladda Mareykanka Runtii Afartii sano ee la soo dhafay ee xukumaddii Madaxweyne Donald Trump , Soomaaliya kaliya ma ahe dunida oo dhan waa ay dhibaatootay waayo hogaanka mareykanka aad ayuu muhiim u ahaa oo xasiloonida iyo daganaashiyaha xadaaradda caalamka , nasiib xumo Trump arrintaas wuu badalay hadda marka markii uu yimid madaxweyne Biden adduunyada oo dhan waa ay soo dhaweysay  “.

WQ/ Abdirahman Sabriye