U bood dhigaalka

Akhriso: Arrimaha Looga Hadlay Kulankii Farmaajo iyo Xisbiyada Siyaasadeed

Sheeko:Amniga

Subaxdii sabtida waxaa Villa Somalia kulan ku yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo hoggaamiyeyaasha xisbiyada siyaasadda ee dalka.

Kulanka oo baaqday khamiistii, waxaa furay agaasimaha madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Xirsi Fuursade isaga oo u sheegay madaxda xisbiyada qaran in kulanka uu yahay isbarasho, xog-wareysi iyo doorashada 2020/2021, waxaana la siiyey qof weliba inuu hadlo 3 daqiiqo, oo waxa uu rabo ka hadlo.

Madaxweyne Farmaajo oo dib uga soo biiray kulanka waxaa la sheegay inuu si dhaqso ah u hadlayey, ma aqoon inta badan siyaasiyiintan xisbiyo qaran madax ka ah oo dalka joogay, qofka hadalaya indhihiisa ma fiirineyn, su’aalaha qaar kama jawaabin, waxuuna xoogga saaray uun doorashada 2020/2021.

Hoggaanka xisbiyada siyaasadda ayaa arrimo badan ka hadlay, waxaana ka mid ahaa:

Farmaajow Aawey nabad-doonimadii: Xisbiyada qaar ayaa madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku eedeeyey inuu dhibaato ku yahay federalism-ka dalka, oo uu burburiyey maamul goboleedyada iyo siyaasadda federaalka ah, iyaga oo ku yiri ” Farmaajow aawey nabadoonimadii aad sheegan jirtay’?!

Heshiiskii Badda: Arrimaha Farmaajo wax laga weydiiyey waxaa ka mid ah inuu ka run sheego waxyaabaha uu kula heshiisyey Uhuru Kenyatta iyo haddii uu u jiro heshiis shacabka laga qariyey.

Gardarrada Kenya: Waxyaabaha kale ee goobta lagu soo qaaday waxaa ka mid ah xad-gudubka ay sheegeen in Kenya ay ku heyso xadka gaar ahaan Gedo.

Aminga: Madaxweynaha Farmaajo waxaa lagu dhaliilay amni darrida dalka ka jirta iyo inuu ka baxay balantii la dagaalanka Al-shabaab, kuna guuldareystay.

Xisbigii Weynaa: Waxaa la weydiiyey sida ay macquul ku tahay warkiisa ah 2020-ka waxaa lagu tartamayaa xisbiyo  siyaasadeed halka Nabad iyo Nolol aaney weli daah-furin xisbigii “Weynaa, oo weynaa” ee uu horay u sheegay Mahdi Guuleed ku-xigeenka ra’isul wasaaraha.

Dhankiisa, madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo hadlayey muddo saacad ah waxaa uu xoogga saaray doorashada 2020/2021 isaga oo balanqaaday in dalka ay ka dhici doono doorasho xisbiyo, qof iyo cod ah, oo weliba waqtigeeda ku dhici-doonta, isaga oo la soo baxay dastuurka kana dhaadhciyey in waxa uu sheegay ay dastuuri tahay, kana dhabeyn-doono.

Xisbiyada ka tagay waxaa ay dhammaayeen ilaa 30 xisbi oo ka tirsan 68 xisbi oo diiwaangeshan, waxaana qaadhacay xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

W/D: Cabdi Caziz Axmed Gurbiye, 

Goobjoog News