U bood dhigaalka

Akhriso: Balan Qaadyo Ku Jiray Khudbadii Xasan Sheekh Uu Jeediyey Codeyntii Kalsooni Kala Noqoshada Ras’iisal Wasaaraha Ka Dib

Sheeko:Dalka

Qayb ka Mid Ah Khudbadii Xasan Sheekh Uu Jeediyey Codeyntii Kalsooni Kala Noqoshada Ras’iisal Wasaaraha Ka Dib

“Maanta meeshaas Chapter ayaa ku soo xirmay, waxaan rabaa in aan umadda Soomaaliyeed u sheego in Chapter cusub uu maanta furmayo, Chapterkaas cusub oo ah in aan xukuumad cusub dalka u soo dhiso, xukuumadaas cusub ee aan dalka u soo dhiseynaahi ma aha mid ay leedahay koox gaar ah, xukuumad ay leeyihiin qofaf yaal gaar ah, ma aha xukuumad uu madaxweynuhu leeyahay, ma aha xukuumad Ra’isul Wasaaraha imaan doona keliya uu leeyahay, xukuumad la wada leeyahay ayey noqon doontaa, xukuumadaas waxaa wax ku leh kuwa mooshinka Haa u codeeyay iyo kuwa mooshinka Maya u codeeyay intaas xukuumad ay wada leeyihiin oo taladeeda ay wax ku leeyihiin oo ay ka tirsan yihiin ayaa dalku yeelan doonaa haddii alle yiraahdo”

“Ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahaan waxa ay albaabadeydu u furan yihiin dhamaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan baarlamaanka kuwoodii Haa yiri iyo kuwoodii maanta Maya yiri intaba iyo kuwii ka aamusayba intaba wey u furan tahay, waana la tashan doonaa, la tashi wanaagsan ayaan la tashan doonaa, xukuumadana waa laga wada mid noqonayaa, ma aha xukuumad koox keliya ah, Xisbi keliya ah, qeyb keliya ah oo Baarlamaanka ka tirsan ama dalka Soomaaliya ka tirsan ay yeelan doonaan taas waa balanqaad buuxa oo aan siinayo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya”

Waxaan Intaan Laga Soo Qoray Codka Khudbadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Goobjoog News