U bood dhigaalka

Banaanbixi Sabtiga Oo Baaqday Maxeey Tahay Sababta”

Sheeko:Amniga

Midawga musharixiinta oo shir jaraa’id goordhaw ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegey in ay dib u dhigeen markii Labaad Banaanbax ay soo abaabuleen,loogana soo horjeedo Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Musharixiinta oo maanta kulan deg deg ah isugu yimaaday Hotel Jaziira ayaa sheegay in Dowladda  ay heshiiskii ay wada gaareen 25-kii  bisii hore ay uga baxday,waxaana sidaas warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Midawga ayaa sidoo sheegay in dowladda ay ciidamo ku daadisay dhamaan goobahii uu ka dhici lahaa bananbax kuwaas oo ay ku carqaladeyneyso Isu soobaxa berri,waxaan sidaas saxaafadda u sheegay Madaxweynihii hore Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay warka ka soo baxay midawga musharixiinta ee dib loogu dhigay isusoobaxa,Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta mudane Xasan Xundubeey Jimcaale oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda ay soo dhaweyneyso In dib loo dhigo banaanbaxa Midowga Musharraxiinta Soomaaliya.

Sikastaba Isgooysyada muhiimka ah ee caasimadda ayaa dowladda galabta ciidamo ay ku xirtay.