U bood dhigaalka

Beesha Caalamka Oo War Ka Soo Saartay Kulan Ay Farmaajo La Qaadatay

Sheeko:Amniga

Saaxibada Caalamka ayaa war ka soo saaray kulan ay maanta Madaxtooyada Soomaaliya ku dhex maray madaxweeyne Farmaajo.

War ka Soo baxay Beesha calamka ayaa lagu yiri ” Waxaan Farmaajo Kala Hadalnay In Si Degdeg ah Loo Xaliyo Khilaafka Doorashada Ergeyga xogheyaha guud ee qaramada Midoobey ayaa waxaa uu sheegay in uu qeyb ka ahaa kulan beesha caalamka iyo Madaxweyne Farmaajo.”

Dhanka kale Ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan ayaa waxaa uu sheegay inuu rajeynayo in xal loo helo khilaafka taagan Kulanka ayaa sida lagu qoray bogga Twitterka xafiiska qaramada Midoobey ee Soomaaliya looga hadlay taageerada beesha caalamka iyo sidii xal looga gaari lahaa arrimaha doorashada iyo ismariwaaga ka taagan.